Suuradda 95 ee Masxafka, 8 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 597.
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1. Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka [1].
[1] Waa tilmaan sidoo kale halkay ka baxaan ee Falastiin ee ah halka laga soo saaray Ciise c.s. Nabi ahaan.
2. Iyo Buurta Siinaay [1].
[1] Ee ah halkuu Alle kula hadlay Muuse c.s.
3. Iyo magaaladan Aaminka ah 'Makkah' [1],
[1] Ee Nabi Muxammad laga soo doortay Rasuul Alle ahaan.
4. Waxaan dhab ahaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan.
5. Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya [1].
[1] Naarta gudaheeda ama da'da asaasqnimada.
6. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno).
7. Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?
8. Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta [1]?
[1] Haayoo, wuu Yahay.
Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)
Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.