Suuradda 112 ee Masxafka, 4 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 604.
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1. Dheh: Allaah waa Mid Keliya [1].
[1] Axad ah aan wax shariig ah lahayn.
2. Allaah waa Sayidka Deeqtoon [1].
[1] Ee ah ma baahdaha loo wada baahan yahay.
3. Ma dhalin [1], lamana dhalin [2].
[1] Macnaha waa ma leh ilmo. [2] Macnaha waa ma leh waalid - aabbe iyo hooyo iyo xaas midna.
4. Mana jiro axad u dhigma [1].
[1] Alle oo la mid ah ama la barbar dhigo iyo cid wax la wadaagta midna.
Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)
Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.