Suuradda 107 ee Masxafka, 7 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 602.
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).
2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan [1].
[1] Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Aniga iyo kan daryeela agoonka oo kafaala qaada, waxaan gali Jannada innagoo sidaas oo kale ah. Wuxuuna kor u qaaday fardhexeda iyo murugsatada oo simay oo isu dhoweeyey.
3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka [1].
[1] Nabigu s.c.w wuxuu yidhi: Qofka u dadaala oo u shaqeeya dumarka da'da ah ee laga dhintay iyo masaakiinta wuxuu heli ajar la mid ah mujaahidka u diriraya Jidka Alle ama kan habeenkii oo dhan u taagan salaad oo aan daaleyn iyo soomanaha aan afurin.
4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),
5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).
6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.
7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).
Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)
Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.