Astaanta TartilTartilRaadiyaha tooska ah

Suuradda Ad-duxaa: qoraalka iyo turjumaadda macnayaasha

Suuradda 93 ee Masxafka, 11 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 596.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-laylSuuradda Ash-sharx ›

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

1. Waxaan ku dhaartay Barqada.

2. Iyo habeenka markuu xasilo (madoobaado).

3. Rabbigaa kaama tagin (Nabi Muxammadow), mana uu kuu cadhoon.

4. Aakhiro baa kaaga khayr badan noloshatan (hore ee adduunka).

5. Rabbigaa baa ku siin (khayr badan), waadna raalli noqon.

6. Miyuusan ku helin adigoo agoon ah oo ku hoyaadin?

7. Oo ku helin adigoo habowsan oo kuma hanuunin?

8. Oo ku helin adigoo caydh ah oo kuma hodmin?

9. Ee agoon, ha dhibin.

10. Kan wax ku weydiistana, ha ku qeylin.

11. Nicmadda Rabbigaana (Islaamka, Towxiidka, Qur'aanka, Xaqa, sheeg (oo ka mahad celi).

Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)

Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-laylSuuradda Ash-sharx ›