Astaanta TartilTartilRaadiyaha tooska ah

Suuradda Al-layl: qoraalka iyo turjumaadda macnayaasha

Suuradda 92 ee Masxafka, 21 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 595.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Ash-shamsSuuradda Ad-duxaa ›

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

1. Waxaan ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah).

2. Iyo maalinta markay muuqato (ifto);

3. Iyo abuurista labka iyo dheddigga.

4. Xaqiiq, camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay.

5. Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi).

6. Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada):

7. Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka).

8. Qofkiise ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya).

9. Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada).

10. Waxaan u fududeyneynaa jidka xun (dhabbaha Naarta);

11. Maalkiisu wax uma taro markuu halaagsamo.

12. Annagaa xaqiiq wax hanuuninna,

13. Oo Annagaa xaqiiq leh Aakhiro iyo adduunba.

14. Waxaan idiinka digayaa Naar ololeysa.

15. Uusan galaynin qof xun mooyaane.

16. Ee (Xaqa) beeniya oo ka jeesada.

17. Waxaana laga fogeyn (Naarta) kan (ka) dhowrsada (shirkiga iyo xumaha kale).

18. Ee bixiya maalkiisa si uu isu daahiriyo.

19. Isagoo uusan jirin cid ku leh abaal uu u gudayo.

20. Waxse u bixiya doonista Wejiga Rabbigi, ee Sarreeya.

21. Wuu raalli noqon doonaa qofkaasi.

Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)

Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Ash-shamsSuuradda Ad-duxaa ›