Suuradda 84 ee Masxafka, 25 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 589.
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1. Markay samadu dildillaacdo (Qiyaamada).
2. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo;
3. Marka arlada la fidiyo,
4. Oo u soo tuurto debedda waxa gudaheeda ku jira oo ka marnaato,
5. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo [1].
[1] Wuxuu la kulmi qof walba camalkiisa.
6. Qofyahow! Waad dhibboon oo u camal fali xagga Rabbigaa, waadna la kulmi [1].
[1] Natiijada camalkaaga khayr ama shar wuxuu yahayba Maalinta Qiyaamaha.
7. Ee ma kan lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig,
8. Waxaa la xisaabin xisaab fudud.
9. Wuxuu u laaban ehelkiisa (Jannada ku sugan) isagoo faraxsan.
10. Kanse laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa,
11. Wuxuu u yeedhan hoog iyo ba'.
12. Oo geli naar ololeysa oo hur badan.
13. Wuxuu ahaa xaqiiq mid Ehelkiisa dhexdooda (waagii adduunka) kibirsan.
14. Wuxuu xaqiiq moodayey inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga).
15. Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday.
16. Mayee, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac;
17. Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo;
18. Iyo dayaxa markuu buuxsamo.
19. Waxaad (dadow) mari heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba).
20. Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn xaqa?
21. Marka Qur’aanka loo akhriyana uma sujuudaan Rabbigood (umana hoggansamaan)?
22. Waxayse kuwa gaalooba beeniyaan (Xaqa).
23. Oo Alle waa og yahay waxay qarsan.
24. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.
25. Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’eynin (waa Jannada'e).
Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)
Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.