Astaanta TartilTartilRaadiyaha tooska ah

Suuradda Al-buruuj: qoraalka iyo turjumaadda macnayaasha

Suuradda 85 ee Masxafka, 22 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 590.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-inshiqaaqSuuradda Ad-daariq ›

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

1. Waxaan ku dhaartay samada xiddigaha waaweyn leh iyo (jidadkooda).

2. Iyo Maalinta ballanta ah (Qiyaamada).

3. Iyo Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi 'oo ummadda ah.'

4. Lacnadi ha ku dhacdo qoladii godka lahaa (mu'miniinta lagu caddibo).

5. Ee ahaa dab olol iyo huritaan badan.

6. Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka).

7. Waxay ka ahaayeen goob joog waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta.

8. Kuma ay qoonsan wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh, Ammaanan.

9. Ee iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada! Alle wax walba waa u Jeedaa.

10. Xaqiiq kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, haddana aan tawbad keenin, waxay mudan cadaab Naar ah, waxayna mudan cadaab gubeysa.

11. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn.

12. Xaqiiq, Qabashada Rabbigaa (Ciqaabtiisu) way daran tahay.

13. Xaqiiq (Alle) Isagaa uumay (uunka) dibna u soo nooleyn (dhimasho kaddib).

14. Waana Denbi Dhaaf Badanaha, Jecel (kuwa adeeca).

15. Ee iska leh Carshiga Sharafta Badan.

16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono.

17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii,

18. Fircoon iyo Thamuud?

19. Kuwase gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta Xaqa.

20. Allena wuu koobay (oo kama baxsan karaan).

21. Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan.

22. Oo ku qoran Loox la dhowray (Looxul Maxfuudka).

Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)

Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-inshiqaaqSuuradda Ad-daariq ›