Astaanta TartilTartilRaadiyaha tooska ah

Suuradda At-takaathur: qoraalka iyo turjumaadda macnayaasha

Suuradda 102 ee Masxafka, 8 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 600.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-qaaricahSuuradda Al-casr ›

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

1. Waxaa idin shuqliya (dadow) adduun badsi (iyo isu faan).

2. Ilaa aad siyaarataan qubuuraha (macnaha dhimataan oo la idinku aaso).

3. Mayee! Waad ogaan doontaan.

4. Misna, mayee! Waad ogaan doontaan.

5. Mayee! haddaad og tihiin ogaansho dhab ah.

6. Waxaad hubaal arki Naarta ololka badan.

7. Markaas waxaad u ark si yaqiin leh.

8. Waxaana Maalintaa la idin weydiin Nicmooyinkii (Alle idinku galladeystay).

Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)

Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-qaaricahSuuradda Al-casr ›