Astaanta TartilTartilRaadiyaha tooska ah

Suuradda Ash-shams: qoraalka iyo turjumaadda macnayaasha

Suuradda 91 ee Masxafka, 15 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 595.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-baladSuuradda Al-layl ›

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

1. Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo caddaanta barqadeeda;

2. Iyo dayaxa markuu raaco (qorraxda).

3. Iyo maalinta markay muujiso (arlada) oo ifiso.

4. Iyo habeenka markuu daboolo arlada (oo madoobaado).

5. Iyo samada iyo siduu (Alle) u dhisay;

6. Iyo arlada iyo siduu (Alle) u fidshay,

7. Iyo nafta iyo siduu (Alle) u ekeeyey.

8. Markaas kala garansiiyey xumaheeda iyo toosnideeda,

9. Waxaa liibaani qofka (ka) daahiriya naftiisa (shirki iyo macaasi).

10. Waxaa khasaari qofka xumeeya naftiisa.

11. Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti.

12. Markuu soo baxay koodii uga sharka badnaa (si uu hasha u dilo).

13. Markaasuu Rasuulkii Alle (Nabi Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Alle (ha dilana) oo siiya waraabkeeda.

14. Wayse beeniyeen oo boqna gooyeen hashii (dileen). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey denbigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii).

15. Kama uuna cabsado cidhibteeda [1].

[1] Cidhibta kuwa uu halaagay oo wax loo soo raacdo ama looga daba yimaado, waayo waa Adkaadaha aan laga adkaan.

Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)

Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-baladSuuradda Al-layl ›