Astaanta TartilTartilRaadiyaha tooska ah

Suuradda Al-infidaar: qoraalka iyo turjumaadda macnayaasha

Suuradda 82 ee Masxafka, 19 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 587.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda At-takwiirSuuradda Al-mudaffifiin ›

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

1. Markay samada dildillaacdo.

2. Markay xiddiguhu daataan oo kala firdhaan.

3. Marka badaha laysku furo oo soo fatahaan.

4. Marka qabuuraha la soo qufo.

5. Naf walbaa waxay ogaan waxay hormarsatay iyo (waxay) dib marisay (khayr ama shar oo laga jaazeyn).

6. Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan?

7. Kaasoo ku abuuray, kuna ekeeyey oo ku simay?

8. Suuradduu doonana kuu sameeyey?.

9. Mayee bal waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta (jaazeynta).

10. Waxaana xaqiiq korkiinna ah (oo idiin xil saaran malaa’ig) gaar idinka haya.

11. Sharaf leh, qoraya (acmaashiinna),

12. Ogsoon wax kastoo aad fashaan.

13. Hubaal, baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo (Janno).

14. Oo hubaal xume falayaashu waxay ku sugnaan Naar ololaysa.

15. Ay geli oo ku guban Maalinta Is abaalmarinta (Jaazeynta).

16. Kamana maqnaadaan marnaba xaggeeda (Naarta).

17. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?

18. Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?

19. (Waa) maalinta aysan nafi wax u tarin naf kale. Amarkana Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah.

Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)

Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda At-takwiirSuuradda Al-mudaffifiin ›