Astaanta TartilTartilRaadiyaha tooska ah

Suuradda At-takwiir: qoraalka iyo turjumaadda macnayaasha

Suuradda 81 ee Masxafka, 29 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 586.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda CabasaSuuradda Al-infidaar ›

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

1. Marka qorraxda la duubo (oo la iftiin tiro),

2. Oo xiddiguhu daataan (oo nuurkoodu tago),

3. Oo buuraha la rujiyo 'oo budo noqdaan'.

4. Oo geela rimman [1] la cidleeyo (oo laga hayaamo).

[1] Qofka waxa uu maal ugu jecel yahay.

5. Oo dugaagga la soo wada kulmiyo (qisaas darteed).

6. Oo badaha la shido (ama isku soo fatahmaan);

7. Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkoodii [1];

[1] Macno kale lagu lammaansho eynigood iyo waxay is leeyihiin oo la mid ah.

8. Oo (tii kastoo yaraan) lagu nolol xabaalay la weydiiyo,

9. Maxaa denbi ahoo loo dilay?

10. Marka kutubta (acmaasha aadmiga ee malaa'igtu qorayeen) la fidiyo.

11. Oo samada laga rujiyo meesheeda,

12. Oo Naarta la huriyo.

13. Oo Jannada la soo dhoweeyo.

14. Waxay ogaan nafi waxay la timid (khayr ama shar).

15. Waxaan ku dhaartay xiddigaha qarsooma (maalintii).

16. Ee ku socda rugahooda ee qarsoomee (dhaca).

17. Iyo habeenka markuu yimaado (ama tago).

18. Iyo subaxu markuu neefsado (oo soo baxo iftiinkiisa).

19. Hubaal kani (Qur'aanka) waa hadal 'Alle' uu keenay Rasuul sharaf badan (Jabriil).

20. Awood iyo meeqaan sare ku leh (Alle) agtiis, Rabbiga Carshiga Weyn,

21. La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo.

22. Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha jinnoole.

23. Horay buuna ugu arkay (Jabriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa).

24. Ma aha (Nabi Muxammad) mid ceshada 'bakheyla amaba looga shakiyo' cilmiga ku saabsan Ghaybka 'ee Qarsoon'.

25. (Qur’aankuna) ma aha hadalka Shaydaan laga fogeeyey (Naxariista Alle).

26. Ee xaggee 'gaalooy' aadeysaan?

27. (Qur’aanku) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota ummadaha oo dhan.

28. Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa).

29. Oo waxna ma dooni kartaan wuxuu Alle doono maahee, Rabbiga uumanka.

Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)

Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda CabasaSuuradda Al-infidaar ›