Suuradda 110 ee Masxafka, 3 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 603.
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1. Markuu yimaado Gargaarka Alle iyo guusha (Furashada Makkah).
2. Oo aad aragto dadka oo u soo galaya diinta Alle (Islaamka) rac-rac (kooxo),
3. Markaas ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa, weydiisona Denbi Dhaaf. Hubaal Alle waa Tawbad aqbal Badane.
Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)
Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.