Suuradda 77 ee Masxafka, 50 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 580.
بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
1. Waxaan ku dhaartay dabeylaha wanaagga lala soo diro.
2. Iyo dabeylaha sida daran u kaca.
3. Iyo dabeylaha u kaxeeya daruuraha meelahooda loogu tala galay;
4. Iyo (malaa'igta) kala saara (Xaqa iyo baadilka) kala saarid dhan [1].
[1] Xalaasha iyo xaaraanta.
5. Iyo malaa’igta keena Waxyiga
6. Si loo caddeeyo (Xaqa) ama loo digo;
7. Ee waxa (dadow) la idiinku yabooho ( Qiyaamada) waa Xaq dhacaya.
8. Marka xiddiguhu beelaan nuurkooda;
9. Oo samadu dildillaacdo,
10. Oo buuraha la rujiyo.
11. Oo Rusulladii la kulmiyo (iyo dadkoodii) waqtigii loo qabtay.
12. Maalintee baa loo dib dhigay?
13. Maalinta kala baxa (Qiyaamada).
14. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta kala baxu tahay?
15. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
16. Miyaanaan halaagin facyadii hore (ee gaaloobay)?
17. Misna waxaan raacin kuwa (facyada) dambe (ee eynigood ah).
18. Sidaasaan u galnaa denbiilayaasha.
19. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
20. Miyaanaan idinka abuurin biyo daciif ah liita?
21. Markaas yeelnay meel aamin ah gudaheed (riximka),
22. Ilaa muddo la yaqaanno,
23. Sidaasaan wax u qaddarnay, Annagaana u fiican kuwo wax qaddara.
24. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
25. Miyaanaan ka dhigin dhulka mid qaada oo ku filan?
26. Kuwa nool iyo kuwa mowtanba [1].
[1] Alle wuxuu ku kulmiyey dadka nool arlada dusheeda, mowtidana arlada hoosteeda.
27. Oo ka yeelin dhulka dhexdiisa buuro sugan oo dhaadheer oo aan idinka waraabinin biyo macaan?
28. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
29. Aada waxaad beenin jirteen.
30. Aada hoos (qiiqa Naarta ah) oo seddex laamood leh [1].
[1] Xagga seddex jiho: Midigta, bidixda, iyo dusha sare, macnaha waa cadaabka wuxuu uga iman oo ka hareereyn gaalada jiho kasta.
31. Oo aan harsi laheyn, waxnana ka tareyn ololka dabka.
32. Waxay (Naartu) tuuri dhimbilo daran oo daaro oo kale ah .
33. Aad mooddo awr aydin ah.
34. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
35. Kanu waa Maalin aysan (gaaladu) hadleyn.
36. Oo aan idan la siineyn si ay u cudurdaartaan.
37. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
38. Kani waa Maalinka kala Baxa. Waa idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyey.
39. Ee haddaad wax dhagri kartaan, Aniga I dhagra.
40. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
41. Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo.
42. Iyo midho waxay doonaan ah.
43. Cuna oo cabba si raaxo leh waa waxaad camalsan fali jirteen darteed.
44. Sidaasaan xaqiiq u abaal marinnaa sama falayaasha.
45. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
46. (Gaaloy) cuna oo raaxeysta in yar. waxaad tihiin denbiilayaal.
47. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
48. Marka lagu yidhaahdo: Rukuuca ma ay rukuucaan [1].
[1] Marka lagu yidhaahdo u hoggaansama Amarka Alle uma hoggaansamaan, sidoo kale waxaa lagu fasiray marka lagu yidhaahdo tukada ma ay tukadaan.
49. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
50. Ee Hadalkee bay kan (Qur’aanka) kaddib (gaaladu) rumeynayaan?
Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)
Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.