Astaanta TartilTartilRaadiyaha tooska ah

Suuradda Al-muzammil: qoraalka iyo turjumaadda macnayaasha

Suuradda 73 ee Masxafka, 20 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 574.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-jinSuuradda Al-muddathir ›

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

1. Kani isku duuduubayow maryaha [1].

[1] Nabiga s.c.w. waxaa la amray halkii hurda macaansiga inuu xilkaa weyn qaado oo u kaco cibaado iyo Alle bari iyo inuu dadka amro (towxiidka) iyo camalka san oo kaga digo shirkiga iyo xuma falka.

2. U kac (salaad) habeenka in yar maahee.

3. Barkiis ama ka nusqaami in yar.

4. Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon.

5. Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus [1].

[1] Waxaa loola jeedaa Waxyiga iyo xeerarka sharciga, oo ku soo degayey Nabiga s.c.w. ee ah xil culus.

6. Xaqiiq, habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan [1].

[1] Tafsiir kale oo aqbal ah ee isla ereyadaa waa: Hubaal kicitaanka habeenka baa sii adag.

7. Waxaad xaqiiq leedahay inta maalinta ah howl dheer.

8. Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u ahow daacad si dhan Isagoo Keliyana u go'.

9. Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil (maamula arrimahaaga oo dhan).

10. U samir waxay (gaaladu) yidhaahdaan, oo uga dheerow si qurxoon.

11. Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) ee nicmeysan, una sug in xoogaa ah.

12. Xaqiiq waxaa agtannada ah jeebbado iyo dab ololaya.

13. Iyo cunno lagu margado, iyo cadaab xanuun badan.

14. (Waxay ku dhici arrintaasi) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, buuruhuna ahaan (sida) bacaad la shubay.

15. Waxaanu xaqiiq idiin soo dirnay Rasuul markhaati idinku ah, sidaan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon.

16. Fircoon se wuu caasiyey Rasuulka, markaasaan qabannay qabasho daran.

17. Ee sidee baad isaga celin (cadaabka), haddaad gaalowdaan Maalin ka dhigi carruurta cirroole.

18. Samada arrinkaa darti la dildillaaci. Yabooha (Alle) waa mid abad fula.

19. Hubaal tani wa waano, ee qofkii doonaa ha u samaysto xagga Rabbigi jid.

20. Xaqiiq, Rabbigaa waa og yahay inaad u istaagto (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) kala barkiis, (marmarna) saddex meeloodoo meel, iyo in koox ka mid ah kuwaa kula jira. Alle waa u qaddaran yahay habeenka iyo maalintuba. Wuxuu og yahay inaydaan fali kareyn sidaas (inaad tukataan habeenka intiisa badan), sidaa awgeed wuu idinka cafiyey oo tawbad aqbalay. Ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid yihiin kuwo buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Alle; iyo kuwo kale oo u diriraya Jidka Alle. Ee akhriya wixii idiin fududaada (oo Qur’aan ah), oo ooga salaadda, bixiyana Zakada, amaahsada Alle Amaah wanaagsan. Waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli Alle agtiisa; sidaasaa khayr badan oo ajar weyn. Weydiista Denbi dhaaf Alle. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)

Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Al-jinSuuradda Al-muddathir ›