Astaanta TartilTartilRaadiyaha tooska ah

Suuradda An-najm: qoraalka iyo turjumaadda macnayaasha

Suuradda 53 ee Masxafka, 62 aayadood, waxay ka bilaabantaa bogga 526.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Ad-duurSuuradda Al-qamar ›

بِسۡمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

1. Waxaan ku dhaartay xiddigaha markay dhacaan.

2. Saaxibkiin (Nabi Muxammad s.c.w.) ma ka habaabin (Jidka Toosan iyo hanuunka), (Xaqana) kama uusan lumin.

3. Ma ku hadlo hawadiisa.

4. Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo waxyooday.

5. Waxaa baray (oo xagga Alle ka soo gaarsiiyey) mid xoog weyn.

6. Ee muuqaal san, abuuraddiisuna dhan tahay 'waa Jabriil c.s.' [1].

[1] Jabriil wuxuu ugu muuqday Nabi Muxammad s.c.w. muuqaalkiisa dhabta ah.

7. Isagoo ku sugan halka ugu sarreysa jihada sare [1].

[1] Cirka, halka ka korreysa jihada bari ee qorrax soo baxa.

8. Markaasuu (Jabriil) soo dhowaaday oo in yar u soo jirsaday.

9. In le’eg labo qaanso xadhigeed ama ka dhow.

10. Markaasuu (Alle) u Waxyooday addoonkiisa (Nabi Muxammad s.c.w.) wuxuu u waxyooday [1].

[1] Waa Qur'aanka.

11. Kama been sheegin Qalbiga wuxuu arkay [1].

[1] Nabigu s.c.w habeenkii micraajka ee Calaamooyinka waaweyn ah ee Rabbi.

12. Ma waxaad kala murmi wuxuu arkay (habeenkii Israha iyo Micraajka).

13. Wuxuuna dhab ahaan ku arkay (Jabriil) soo degid kale.

14. Dhammaadka xadka geedka gobka [1].

[1] Sidratal muntahaa, waa halka u sarreysa samada toddobaad.

15. Waxaa agteeda ah Jannada hoyashada.

16. Markuu daboolay gobka waxa daboolay (oo qurux ah).

17. Aragga (Nabiga s.c .w) uma iilan dhinacna, mana dhaafin xadkii loo dhigay.

18. Wuxuu xaqiiq wax ka arkay Calaamooyinka Rabbigi ee waaweyn.

19. Ee (gaaloy) ka warrama (sanamyada) Al-Laat iyo Al-Cuzza.

20. Iyo Manaat, tan seddexaad ee kale [1]?

[1] Seddexdan magac ee lagu xusay halkan iyo Aayadda ka horreysa waa ilaahyo caan ahaa oo dheddig ah ay caabudi jireen mushrikiintii Carbeed.

21. idinku ma waxaad leedihiin labka Isaguna dheddigga?

22. Tanu waa qayb dulun ah.

23. Ma aha wax kale aan aheyn magacyo aad bixiseen - idinka iyo aabbayaashiin - oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah. Ma raacaan waxba aan ahayn male iyo waxa xun ay naftoodu u iilato, waxaana uga yimid xagga Rabbigood hanuun wacan (Islaamka).

24. Mise Aadmigu wuxuu leeyahay wuxuu jecleystoba?

25. Mayee, Alle baa iska leh tan dambe 'Aakhirada' iyo 'nolosha' horeba 'Adduunka'.

26. Badanaa inta malag jooga samooyinka, aysan shafeecadoodu waxba taraynin in Alle u idmo maahee cidduu doono oo ka Raalli yahay.

27. Hubaal kuwaa (gaalada mushrikiinta ah) aan rumeysnayn Aakhirada, waxay ku magacaabaan malaa’igta magacyo dheddig ah.

28. Iyagoo aan wax aqoon ah u laheyn. Waxay raacaan oo keliya malo, maluhuna waxba kama taro Xaqa.

29. Ee iskaga jeeso kan ka tegay Xuskayga (Qur’aanka) oo aan doonayn waxaan aheyn nolosha adduunka.

30. Kaasi waa intuu gaaray garaadkooda aqooneed. Rabbigaa waa Ogsoon yahay kan ka luma Jidkiisa, waana Ogsoon yahay kan hanuunsan.

31. Allaah baa iska leh waxaa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada, si uu uga abaal marsho kuwa fala xumaanta waxay falaan, iyo (inuu) ugu abaal gudo kuwa fala samaanta samaan (Janno).

32. Kuwa ka fogaada denbiyada waaweyn iyo xumaha, waxa yar yar ee ku soo dhaca maanankooda mooyaane - Rabbigaa waa mid leh denbi dhaaf ballaadhan. Wuuna idin og yahay, markuu idinka abuuray dhulka iyo markaadba ku asturan tihiin uurarka hooyooyinkiin, ee ha is ammaanina, Isagaa (Alle) Og kan ka dhowrsada xumaha.

33. Ee ma aragtay kan ka jeesaday (Islaamka).

34. Oo wax yar bixiyey [1], inta kalena ceshaday.

[1] Waxaa ka dhaadhacsan in maalkiisa uu ku yaraan hadduu wax siiyo saboolka, halka Alle subxaanahu wa tacaalaa uu ballan qaaday si ka duwan.

35. Ma wuxuu hayaa cilmiga waxaan muuqan, oo arkaa?

36. Mise waan loo sheegin wixii ku yiil waraaqahii Muuse -

37. Iyo Ibraahiim ee oofiyey 'amarradii Alle'.

38. Inaan nafna naf kale denbigeeda qaadeyn (inuu gacan ka geysto maahee).

39. Iyo inuusan aadmigu mudanin waxaan aheyn wuxuu shaqeysto (khayr ama shar).

40. Camalkiisana la arki doono.

41. Kaddibna looga abaal marin si buuxda.

42. Iyo in xagga Rabbigaa uu yahay meel noqodka dambe.

43. Waana Kan wax ka qosliya kana oohiya.

44. Isagaana wax dhinsiiya waxna nooleeya.

45. Isagaa (Alle) abuuray labada nooc, labka iyo dheddigga.

46. Ka abuuray dhibic mino ah marka la shubo.

47. Isagayna saaran tahay soo celinta kale (abuurista Aakhirada).

48. Waa Isaga Kan wax hodmiya waxna faqiiriya;

49. Waana Rabbiga xiddiga Shicra [1].

[1] Waa xiddig ay caabudi jireen qaar ka mid ah mushrikiintii Carbeed.

50. Alle Isagaa halaagay Caadkii hore,

51. Iyo Thamuudba, waxnana kama reebin.

52. Iyo qolodii Nuux awal hore; waxay ahaayeen kuwo dulmi iyo xadgudub badan.

53. Iyo magaalooyinkii (Sodom iyo Gammurah) ee la rogay [1].

[1] Dadka degaankaasoo ka hor yimid Nabi Luud.

54. Markaasaa Waxaa daboolay wixii daboolay (oo cadaab ah).

55. Ee tee baad Nicmooyinka Rabbigaa ka doodeysaa oo ka shaki qabtaa?

56. Kanu (Nabi Muxammad) waa dige ka mid ah digayaashii hore.

57. Way soo dhowaatay Saacaddii (Qiyaame).

58. Ma jiro Alle ka sokow cid feydi kartaa (dhibaha iyo shiddooyinkeeda ama og waqtigeeda).

59. Ma waxaad la yaabban tihiin warkani weyn (Qur’aanka Kariimka)?.

60. Oo aad qoslaysaan (idinkoo beenin) oo aydaan ooyeynin (cabsi Alle darteed)?

61. Idinkoo iska haasaawaya.

62. Ee u sujuuda Alle oo caabuda (Isagoo Keliya idinkoon waxba u shariik yeelin).

Turjumaadda macnayaasha: Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub, nuqulka 1.0.27, laga soo daabacay QuranEnc.com iyadoon wax laga beddelin. (QuranEnc.com)

Turjumaaddu waxay gudbisaa macnayaasha Qur'aanka; ma aha Qur'aanka laftiisa. Qur'aanku waa qoraalka Carabiga ee kor ku yaal.

Dhageyso tilaawadaheedaSuuraddan ku akhri Masxafka oo tafsiir la socdo‹ Suuradda Ad-duurSuuradda Al-qamar ›